Shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo furmay

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta magalada Jowhar si rasmi ah uga furay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Shirka maamul u samaynta waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda dowladda Federalka Somalia, maamullada Jubbaland, Galmdug iyo Ergooyin kasocda gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale jooga waxgarad ka yimi gobollada Somalia qaybtood.

Madaxweynaha Somalia oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka maamul u samaynta labada gobolka ayaa tilmaamay in dowladda Federalka danaynayso maamul ay yeeshaan labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Wuxuu ku booriyay Ergooyinka labada dhinac inay dardar galiyaan qorshaha lagu dhisayo maamulka, si looga baxo baahida dadka deegaanadaasi u qabaan maamul goboleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM