Shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo furmay

Image

12 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta magalada Jowhar si rasmi ah uga furay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Shirka maamul u samaynta waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda dowladda Federalka Somalia, maamullada Jubbaland, Galmdug iyo Ergooyin kasocda gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale jooga waxgarad ka yimi gobollada Somalia qaybtood.

Madaxweynaha Somalia oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka maamul u samaynta labada gobolka ayaa tilmaamay in dowladda Federalka danaynayso maamul ay yeeshaan labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Wuxuu ku booriyay Ergooyinka labada dhinac inay dardar galiyaan qorshaha lagu dhisayo maamulka, si looga baxo baahida dadka deegaanadaasi u qabaan maamul goboleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM