Shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo furmaya

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ka furmo shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe wajigiisa labaad kadib markii markii dhawaan Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia iyo Wakiilka IGAD sheegeen inuu furmo 03 September, 2016.

Madax katirsan dowladda Somalia ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Jowhar si ay qayb uga noqdaan xafladda furitaanka.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wali kasoo horjeeda nidaamka wax lagu wado, waxayna sheegeen inaysan ka qayb gali doonin shirka gogoshiisu taallo magaalada Jowhar.

Waxay shuruud ka dhigeen in shirkaasi uga qayb galaan labo gobol, hadii kale oo sidaasi la yeeli waayo samaysan doonaan maamul cusub.

Xaaladda ayaa wali cakiran, waxaana ballanqaadka shirka furmaya la sameeyay iyadoo aan la xallin khilaafaadka ka dhex taagan habka loo maamulayo shirkaasi.

Wixii kasoo kordha waxaan idiin kusoo gubdin doonaan Wararkeenna dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM