​Shirka Madasha oo qarka u saaran bur-bur iyo madax isaga baxday

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa fashilmay maanta shirkii  madasha ee doorashada Somalia kadib markii madaxda maamulada iyo Federaalka xilkii ka dhamadey ku heshiin waayeen dhisamaha aqalka sare ee Baarlamaanka iyo qeybsiga xubnaha.

Warsidaha GO ayaa ogaaday in Madaxweyniyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay isaga baxeen madaxaja shirka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socda Villa Somalia ee Muqdisho. 

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isaga tagey Muqdisho, oo aadey Kismaayo, iyadoo Cabdiweli Gaas lagu wado inuu maalinta berri ah u amba-baxo magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland. 

Warka ayaa sheegay in wakiilda beesha caalamka ee Somalia ay kulan deg deg ah kula leeyihiin Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, iyagoo isku dayay inay xaliyaan Khilaafka keenay in burburo Shirka. 

Khilaafka ugu wayn ee shirka wuxuu uu dhaxeeyaa Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Gaas, oo isku haya tirada dheeriga ah, ee la siiyay Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulankaan ku soo hadal qaadey xanibaada Gadiidka Puntland ku soo rogtey Koonfurta Somalia balse arinkaas waxaa ganafka ku dhuftey Madaxeynaha Puntland oo diidey in arinkaan aan shirkaan khuseyn.

Madaxda Somalida oo kulamo badan ka yeeshay arimaha Doorashada ayaa marnaba ka haddlin si guud iyo gaar ah dhibaatooyin ka haysta shacabka Somalida. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM