​Shirka madasha wadatashiga oo Baydhabo ka furmay

Image
Image

Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kafurmay shirka madasha watashiga qaran ee looga hadlayo doorashada dalka dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016, waxaana si rasmi ah u furay madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka oo lagu wado inuu socdo saddex bari, waxaa kasoo qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madax maamul goboleedyada iyo mas'uuliyiin kale.

Kulanka ayaa maanta ku ekaa furitaan, waxaana la filayaa in maalinta barri ah lagu guda galo ajandayaasha horyaalla madasha ee kusoo qabyoobay kulamadii horay madaxdu u yeesheen.

Arrimaha sida tooska ah diiradda loo saari doona ayaa wararka aan helayno sheegayaa inay tahay; Amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, dhismaha  guddiga xalinta khilaafaadka, dib u eegista dastuurka, hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo furitaankii khudbad dheer kajeediyay, ayaa sheegay inay ka go'antahay madaxda sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu ku jiro islamarkaana loo gaarsiin lahaa heer isku filnaasho, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha keeni kara khilaafka.

Xasan Sheekh Maxamud, ayaa tilmaamay in beesha caalamka diyaar u tahay sidii ay Soomaaliya u taageeri lahay, balse wuxuu codsaday in lala yimaado qorshe saamaxaya qaabkii loo kasban lahaa deeqbixiyaasha.

Kulankan, ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ee madaxda Soomalida uga arrinsadaan doorashada dalka, waxaana gabagabadiisa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed muujinaya waxyaabaha lagu hishiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM