Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirkii 3aad ee Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay maanta oo Isniin ah Aqalka Martida ee caasimadda KMG Jubbaland, ahna xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Madaxwayneyaasha maamuladda; Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland ayaa xaadir ku ah shirka, halka la filayo inuu saacadaha soo socda uu kusoo biiro hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo dib uga dhacay waqtigii loo mududeeyay.

Ajandayaasha ugu waa wayn ee shirkaan lagu gorfayn doono ayaa kala ah; xiriirka sii xumaanaya ee madaxda maamulada qaar kala dhaxeeya dowladda Federaalka, heshiisyo ay horey ula saxiixdeen xukuumadda iyo qodobo kale oo amaanka ugu horeeyo.

Sida laga soo xigtay xubnaha qaban-qaabadda shirka, waxa uu socdoonaa kulan madaxeedkaan saddexda maalin ee nagu soo food leh, waxaana gabagabada laga soo saari doonaa War-murtiyeed kaasoo ay ku cad-yihiin qodobadda looga hadlay kulanka.

Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, iyo AMISOM ayaa sugaya amaanka Aqalka Martida ee uu shirku ka socdo, waxaana lagu soo daabulay dhamaan wadooyinka soo gala halka uu shirku ka dhaceyo ciidamo badan.

Shirkaan maanta Kismaayo ka furmay ayaa imaanaya xilli uu gabagabo ku dhow yahay muddo xileedka qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, gaar ahaan hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda; Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waa markii labaad oo Kismaayo marti-geliso shirka Gollaha Iskaashiga maamul goboleedyadda xubinta ka ah DFS xili ay tahay goobta lagu aas-aasay madashaan taasoo la sameeyay Bishii October ee sanadkii tegay ee 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM