Shirka Madaxda Somalida Kismayo oo lagu kala tagay natiijo la'aan

Image

17 January, 2016(GO)-Waxaa magalada Kismayo lagu soo gabab gabeeyay shir madaxda Somalida uga billowday 14 January 2016, kaasoo looga hadlayay xaaladda Somalia iyo hiigsiga 2016 gaar ahaan nidaamka lagu gaarayo doorashada sannadkan dhici doonta.

Shirkan oo dadka Somaliyeed rajo weyn ka qabeen ayaa guud ahaan fashil kusoo dhammaaday, kadib markii uu hareeyay isfahamwaa u dhaxeeyay madaxda Somalida oo kula aragti duwanaaaday qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada imaan doona iyo dhismaha aqalka sare.

Dowladda Federalka Somalia, maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa madashada la yimi rabitaankooda 4.5 in lagusoo xulo aqalka hoose, halka kan sare qaab siman u qaybsadaan maamul goboleedyadu, waxaana arrintaasi ka horyimi Puntland iyo Jubbaland ku adkaysteen in golaha sare lagu soo xulo qaab deegaan.

Kala aragti duwanaantaas ayaa sababtay inuu fashilmo shirkan, waxaana madaxdu go'aan ku gaareen inay kala tagaan shalay 16 January, balse safiirka Imaaraadka Carabta oo markaas safar kusii ahaa magalada Nairobi balse ku hakaday Kismayo ayaa ka codsaday inay isku laabtaan oo keenaan go'aan xal u noqon kara shacabka Somaliyeed waloow aysan taasi suuroobin.

Dhammaan madaxda shirka u tagtay xarunta Jubbada hoose ayaa kala tagay kuna laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen marka laga reebo Madaxweyne Gaas oo caawa ku hoyanaya xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa warbaahinta kula hadlay magalada Kismayo, waxaana uu sheegay inay jiraan kala aragti duwaan dhinacyada shiray u dhaxaysa, wuxuuna tilmaamay inay isugu soo laaban doonaan kulamo dambe oo looga hadlay arrinta Somalia.

“Waxyaabo yar oo farsamo ayaa no hartay oo aanu doonayno in aanu dib uga wada hadalno si dhaqsa ahna isugu soo noqon doono, meesha laysugu imaanayo iyo xilliga laysu imaanayana dawladda Federaalka ayaa sheegi doonta,”Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Somalia.

Fashilkan ku yimi shirka Kismayo ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho kulan bisha soo socota ee Febraayo la qorsheeyay inuu ka dhaco dalka Turkiga, waxaana lagu waday in la geeyo natiijada kasoo baxday kulanka xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in madasha Kismayo banaanka ka joogtay beesha caalamka oo rajo wanaagsan ka qabtay in madaxda Somaliyeed go'aan midaysan gaari karaan kaligood balse taasi ma dhicin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Eedeymo culus oo loo jeediyay xafiiska Xamza Cabdi Barre

Horaantii bishan ayay ahayd markii uu qarxay khilaafka kadib markii Axmed Madoobe ka baxay Shirkii fashilmay ee Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 06:33PM

Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    29-11-2024

  • 11:59AM