​Shirka madaxda Somalida oo soo xirmaya

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyo shir madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada qaybta ah, shalay uga furmay magaladaasi.

Kulankan, ayaa looga hadlay qaabka looga guda gali doono doorashooyinka waddanka ka dhacaya sannadkan iyo arrimo la xiriira siyaasadda amniga.

Balse, shirka maanta ayaa lagu wadaa in looga doodo ajandayaal dhawr ah, waxaana diiradda la saari doonaa qodobo ku salaysan maqaamka caasumadda Soomaaliya iyo xubnaha gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare.

Qodobadan ayaa si aad ah loogu kala aragti duwanyahay, balse hogaamiyaasha, ayaa rajo weyn ka qaba inay isku afgartaan.

War-murtiyeed qeexaya, waxyaabaha lagu hishiiyay ayaa la filayaa in kulankaasi kasoo baxo iyadoo wararku intaasi ku darayaan in doodu adagtahay oo laga yaabo ilaa galinka dambe inay gaarto.

Madaxda ayaa horay u gaaray hishiis qeexaya habraaca doorashada, balse waxaa soo baxay tabashooyin dhawr ah oo ku saabsan aqalka sare iyo nidaamka soo xulista Barlamanka, waxaa sidoo kale cabasho xooggan muujiyay dadka kasoo jeeda gobolka Banaadir oo iyagu wax ku raadinaya maqaamka caasumadda dalka.

Waxyaabaha shirkaasi kasoo baxa, waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM