Shirka Muqdisho oo laga soo saarey jadwal howleedka doorashada Somaliya

Image

MUQDISHU- Magaalada Muqdisu ayaa waxaa kasoo baxay jadwalka shaqo ee doraashada Somaliya kadib marki halkaas kulan ku yesheen madaxda Somaliya.

Jadwalka cusub ee doorasho ayaa yimid xilli madaxda Somalida ku guuldareyatey iney hirgaliyaan go'aamadii kasoo baxey kulankii ay Baydhabo ku qabteen. 

Dib u dhaca ku yimid doorashada Somaliya ayaa sababaya in hay'adaha Dowlada Somalia muddo labo bilood ah loogu daro inta ay haynayaan talada dalka kasoo ku ekaa bartamaha Bisha September. 

Dhinaca kale waxaa weli go'aan laga gaarin maalgalinta doorashada Somaliya iyadoo Dowlada Xasan sheikh lacag farabadan weydiisatey beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa sheegtey in Dowlada Somaliya bixiso lacagta doorashada ku kaceyso 70% taasoo ka biyo diideen.

Tan kale madaxda Somalida ayaa damacsan in Xildhibanada aqalka sare raadinaya iney bixinayaan 5000 dollar Halka kuwa aqalka hoose 10,000 dollar laga rabo in laga qaado.

Lacagtaan ayaa la filayaa in Dowlada Fedeaalka iyo maamulada qaybsadaan kuwasoo kawda hadlaya Saamiga.

Ka qaadista lacagtaan ee xildhibaanka ayaa dadka u kuurgala siyaasada Somaliya rumeysan yihiin iney ka dhigi doonta Doorashada mid lacag ku saleysan taasoo xildhibaanka ku soo baxayo kharash Badan isagoo Dhinaca kale  lacagta kaga baxda xil doonashadiisa ka qaadi doono siyaasiyiinta u tartameysa kursiga sare.

Hoos ka akhriso jadwalka kasoo Baxay kulankaan adigoo gujinaya Linkigaan. FIEIT Timetable.docx

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM