Shirkado Soomaali ah oo lala xiriiriyey heshiisyo hub sharci darro ah
WASHINGTON, US – Afar kamid ah shirkadaha xawaalida lacagta Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay $3.7 milyan oo lacag kaash ah u kala wareejiyay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug-leeyihiin iibinta hub sharci darro ah, sidda ay muujineyso warbixin cusub oo ay daabacdey majaladda Reuters.
Shaqsiyaadka lacagtaas ka timid, sidda ku xusan qormadda, ayaa waxaa kamida qof u dhashay Yemen kaasoo la baahiyey magaciisa, Mareykankana uu cunaqabateyn u saarey in uu taageero maleeyshiyaad.
Wargeyska ayaa wuxuu soo xigtay natiijada baaritaan ay sameysay koox cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee Switzerland laguna magacaabo Global Initiative Against Transnational Organized Crime.
Sidda laga soo xigtay fahfaahinta, talaabadaan ayaa si guud waxay curyaamin kartaa isku dayadda Xawalaadaha Soomaalida ay ku doonayaan in ay dib u hantaan xiriirka ay la leeyihiin Bangiyadda Caalamiga ah.
Maadaama Soomaaliya aysan ahayn Guddi la dagaalanka musuqmaasuq iyo lacag dhaqida, waa sababta hay'adaha qaar u sahleysa ganacsigan sharci darada ah.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo la hor-dhigay warbixintaan ayaa carabka ku adkeeyay in uusan ka war-qabin, balse uu baaritaan ku sameyn doono.
Magacyadda shirkadaha ayaa kala ah; Amal Express, Iftin Express, Dahabshiil iyo Taaj, waxaana ay xarumo ku kala yihiin waddanka oo idil.
Afarta shirkadood ee eedeymaha loo jeediyey oo lala xiriiriyey ayaa ku adkeystay in aysan sameeyeen wax walba oo ay ku xaqiijinayaan macamiilkooda. Sidoo kale, waxay xuseen in aysan la macaamili shaqsiyaad la doonayo.
Global Initiative Against Transnational Organized Crime oo baaritaanka soo waday lixdii sano ee u dambeysay ayaa darastay codad iyo qoraalo kaga yimid Boosaaso, iyagoo helay aqoonsiyada 176 wareejin lacageed oo saddex dalool laba kamid ah ay ka badnaayeen aduun dhan tobban kun oo Doolar-ka Mareykanka.
Lamberada lacagtaas loo wareejinayey oo ku sugan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay iibinta hub sharci darro kuna kala sugan Soomaaliya iyo Yemen waxaa kamid ah Sayf Abdulrab Salem al-Hayashi, oo ah Yemeni uu Mareykanka xayiraad u saarey in uu gacansaar la leeyahay Al-Qaacida Gacanta Carabta.
Amal iyo Iftiin waxaa lagu helay in ay la macaamileen al-Hayashi. Shirkada Amal way iska fogeysay sheegashada ku saabsan in ay la macaamiishay la tuhunsanaan, halka Iftiin ay ka gaabsatay in ay ka hadasho kiiskaan.
Dahabshiil iyo Taaj waa lagu waayey la shaqeynta al-Hayashi, hase ahaatee, waxaa lagu helay in shirkadahooda ay adeegsadeen shaqsiyaad magacyo iyo lambaro kala duwan u isticmaalay in ay ku diraan lacagta, arrintaas oo ka hor-imaaneysa sharciga dalka.
Dahabshiil iyo Taaj ayaa sheegay in ay keydkooda la waayeen wareejin lacageed oo la xiriirta afar qof oo uu kamid yahay eedeysane Al-Hayashi. Afartaan ruux waxaa xayiraad caalami ah saartay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.
Shirkadaha Xawaaladaha Soomaaliya ayaa safka hore kaga jira geedi u socodka soo kabashada dhaqaalaha waddanka, haddana in aysan jirin dowlad si buuxda u maamuli karta waxay ka dhigeysaa kuwa dowr ku yeelan kara in kooxaha kasoo horjeeda xasiloonida dalka u adeegsadaan in ay ku helaan maalgelinta.
GAROWE ONLINE