Shirkii Gollaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo furmay

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ay kawada qeybgalayaan dhamaan Madaxweyne-yaasha shanta dowlad goboleed ee ka jira dalka, ayaa noqonaya midkii labaad oo ay yeeshaan tan iyo markii magaalada Kismaayo lagu aas-aasay Gollahan sanadkii tagey.

Ajandiyaasha shirka ayaa waxaa kamid ah xiriirka maamullada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan xilliga cago badan ku taagnayn, iyadoo hogaamiyaasha kulmaya la filayo inay soo saaraan markii uu dhamaado shirka War-muriyeed.

Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa dhaliilay sida ay dowladda Federaalka u wajahday khilaafka Khaliijka carabta, waxaana ay ku eedeeyeen inay ka weecatay dhex-dhexaadnimada islamarkaana la safatay Qadar.

Shirka Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay maalintii shalay booqasho uga billaabatay Qadar, taasi oo noqonaysa midii labaad oo uu ku tago dalkaasi tan iyo bishii May 2017.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin Shirka Baydhabo ka socda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM