Dib u dhac ku yimid Shirkii uu ku baaqay Farmaajo [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan oo uu ku baaqey Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa dib udhac ku yimid, sida ay Warsidaha GO u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Baaqashadda ayaa sabab looga dhigey in aysan soo xaadirin shirkani dhinacyadda isku haya hogaanka Galmudug, kuwaasoo ku kala sugan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Garabka Dhuusamareeb oo uu hogaamiyo Madaxwayne Xaaf oo war culus kasoo saarey baaqa Madaxwaynaha ayaa lagu qaadacey, waxaana loogu baaqey inay Villa Soomaaliya faragelinta ka deyso.

Dhinaca kale, darafka ku sugan xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa soo dhaweeyay baaqa Madaxwaynaha, waxa ayna cod dheer ku sheegeen inaanu jirin faragelin DFS ku hayso, xili ay eedo dusha u saareen Xaaf.

Baaqashadda shirka uu Madaxwaynaha ku baaqey ayaa kusoo aadeysa xili dhanka kale uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya maamualda iyo madaxda dowlada, xili xiriirka loo hakiyey Madaxtooyadda.

Waa Shirkii labaad oo Farmaajo ku baaqo islamarkaana qabsoomi waayay bishan gudaheeda.

Xaaladda siyaasadda dalka ayaa umuuqata mid aanan sal fadhiya lahayn bilooyinkii udambeeyay waxaana jirey murano siyaasadeed, taasi oo xeel-dheerayaasha ka digayaan inay sii socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM