Shirwayne ka furmaya Muqdisho [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Shirkaan ayaa waxaa uu ka qabsoomi doonaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, maalmaha fooda nagu soo haya, iyadoo diiradda lagu saari doono arrimaha xuduudaha dalka.

Sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka qaban qaabinaya kulankaan, waxaa kasoo qeyb geli doona Guddiga xuduudaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo mas'uuliyiin kale oo labada golle ee dowladda ka socda.

Wasiiradda Wasaaraddaha Arrimaha Dastuurka iyo mida Arrimaha Guddaha ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirkaan oo lagu wado inuu furmo inta u dhaxeysa 4-5 bishaan July.

Inta uu socdo waxaa lagu faaqiddi doonaa arrimaha xuduudaha dalka, iyadoona qodobadda laga soo saari doono gaba gabadda kulankaan, kaasoo ka socon doona Muqdisho dhowr cisho.

Shirkaan ayaa la filayaa in qodobadda lagu fallaqayn doono ay kamid noqdo muranka dhanka Badda iyo Dhulka ah, ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo hadda meel xasaasi ah mareysa.

Cabdullaahi Xaamud Maxmuud, oo ah Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in shirkaan uu ka dhici doono Xafiiska Xasan Cali Khayre, uuna muhiim uyahay dalka.

Wuxuu tilmaamay inuu kamid ahaa waxyaabihii looga hadlay shir ay shalay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, iyo waliba Guddiga Tubta Siyaasadda Toosan.

Shirkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay taagan tahay muran dhanka Badda iyo Bariga ah, kaasoo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana hadda dacwadeeda ka socota Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM