Shirweynaha Kismaayo oo maanta furmaya

Image

Talaado, Sept 16, 2014 (Garowe Online)- Saacadaha soo socda waxaa magaalada Kismaayo ka furmi doona shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha Jubbooyinka oo ay qaban qaabadiisu muddo dheer soo socotay.

Shirka waxaa ka qayb gelaya wufuud tira badan ka kala yimid dhanka Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo ergooyin metelaya bulshada sadexda gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor hore oo saaka ah ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dhanka magaalada Kismaayo.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno baarlammaanka ka tirsan iyo saraakiil ciidan waxaa Kismaayo ka socota qaban qaabo ku aaddan sidii loosoo dhoweyn lahaa.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey maanta, si gar ah waxaa ammaankeeda loo xoojiyey goobta uu shirku ka furmayo oo ah Xarunta Caymiska. Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa si aad ah u baaraya dadka iyo gaadiidka.

Shirkan oo muddo sanad ah qaban qaabadiisu soo socotey, mar walbana ay caqabad horlihi sabab u noqonaysay inuu hakado, waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aamo waxtar uleh bulshada ku dhaqan gobollada uu Maamulka Jubba ka kooban yahay.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM