Shirweynaha Kismaayo oo maanta furmaya

Image

Talaado, Sept 16, 2014 (Garowe Online)- Saacadaha soo socda waxaa magaalada Kismaayo ka furmi doona shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha Jubbooyinka oo ay qaban qaabadiisu muddo dheer soo socotay.

Shirka waxaa ka qayb gelaya wufuud tira badan ka kala yimid dhanka Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo ergooyin metelaya bulshada sadexda gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor hore oo saaka ah ka duulay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dhanka magaalada Kismaayo.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno baarlammaanka ka tirsan iyo saraakiil ciidan waxaa Kismaayo ka socota qaban qaabo ku aaddan sidii loosoo dhoweyn lahaa.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey maanta, si gar ah waxaa ammaankeeda loo xoojiyey goobta uu shirku ka furmayo oo ah Xarunta Caymiska. Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa si aad ah u baaraya dadka iyo gaadiidka.

Shirkan oo muddo sanad ah qaban qaabadiisu soo socotey, mar walbana ay caqabad horlihi sabab u noqonaysay inuu hakado, waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aamo waxtar uleh bulshada ku dhaqan gobollada uu Maamulka Jubba ka kooban yahay.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM