Shuruudaha ku harsan Soomaaliya si looga cafiyo deynta 5-ta bilyan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa rucla orod waxay ugu jirtaa in laga cafiyo qaan caalami ah oo gaareysa ku dhowaad 5 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Quwadaha deyntaan ku leh dowlada federaalka ah ayaa waxaa ugu waawayn; Mareykanka, Talyaaniga, dalalka Carabta iyo Midowga Yurub.

Mareykanka oo deynta ugu badan ku leh Soomaaliya taasi oo dhan hal bilyan ayaa la sheegay in uu kamid yahay wadamada u ol'olaleynaya in laga dhaafo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa dhowaan uga qaygalay Washington wadahadallo ku saabsan arrimahaasi.

Kadib socdaal sideed casho, natiijo wax ku ool ah kama aysan soo bixin wadaxaajoodyadda uu Khayre la galay Bankiga iyo Hay’adda lacagta aduunka.

Jamaal Cusmaan Maxamed, wasiirka qorsheynta, ayaa xaqiijiyay in is-aragyadda aanan lagu go’aamin in deynta laga cafiyo Soomaaliya.

Saddex shuruud ayaa ku harsan wadanka si looga dhaafo deyntaasi oo la sheegayo hadii laga qaado ay wax badan fududeyn doonto.

"Wax ka qabashada saboolnimada, maamul wanaag iyo in shuruudihii lagu guuleystay aanan dib loogu dhicin," ayuu Jamaal ku sheegay shuruudaha harsan.

Lixda bilood ee soo aadan ayaa xukuumada lagu kormeeri doonaa hadii ay kasoo baxday shuruudahaasi iyo in kale, sidda uu ka dhawaajiyay Jamaal.

Shuruudaha horey loogu xiray dowlada si deynta looga dhaafo waxaa kamida; sare u qaadida dakhliga gudaha, ciribtirka musuqa iyo siyaasad degan.

Xukuumada ayaa ku doodeysa in ay fulisay inta badan shuruudihii la hor-dhigay, inkasta oo aanan wali warbixin rasmi ah kasoo bixin hay'addaha caalamka.

Dadka naqdiya siyaasada xukuumadda ayaa aaminsan in ahmiyada la siiyay mashruuca deyn cafinta ay ka mudneed amniga iyo siyaasada.

"Dhamaan shuruudahaan waxay la macno yihiin qashinka gurigaaga hortiisa yaala iska qaad, maxaa yeelay amniga iyo siyaasada ayaa wax kasta aas-aas u ah," ayuu aaminsa yahay xeel-dheere arrimaha dhaqaalaha ah.

Wasaarada Maaliyadda ayaa xustay in inta badan wadamada deynta ku leh wadanka ay balanqaadeen in ay ka cafinayaan, wallow aan wali go'aan la gaarin.

Soomaaliya ayaa ku heli doonto maal-gashi caalami ah hadii deynta laga cafiyo, intaasi waxaa wehlisa in ay soo qaadan karto dowladda deyn fara badan si howlaha qaranka horyaala wax loogu qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM