Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta KG oo lasoo saarey [Akhri]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saarey maanta oo Jimco ah Shuruudaha Musharaxiinta Madaxweynanimo xilli Baydhabo uu ka socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashda.

Shuruudaha waxaa kamid ah in Musharaxa uu yahay Soomaaliya, una dhashay degaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana uusan qabin Xaas ajnabi ah, da'diisuna aaney ka yareyn 40 sano.

Waxaa sidoo kale kamid ah shuruudaha ugu waaweyn in Musharax uusan heynin wax xil ah, hadii uu hayan iska-casilo kahor inta uusan soo gudbin arjigiisa musharaxnimo, iyadoo laga doonayo inuu soo gudbiyo warqad caddeynaysa is-casilaadiisa.

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa ugu horeeyay dadka uu qabanayo xeerkan, maadaama la ogyahay in musharixiinta kale aan u badnayn kuwa xilal haya, kuwaasi oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow.

Qoraalka Gudiga Doorashada KG ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Musharaxa ragga ah laga doonayo $20,000 [Labaatan kun oo doollarka Mareykanka], halka musharaxa dumarka ah uu bixinayo $10,000 [Toban Kun oo Dollarka Mareykanka].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM