Sidee Al-Shabaab ku heshay Tuutaha guutada 14-ka October?

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Intii lagu guda jiray dabaaldega Ciidul Adxaa, Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay dagaalamayaasheeda ku labisan tuutihii ugu dambeeyay ee ciidanka dowladda gaara ahaan guutadda 14-ka October oo dhowaan la sameeyay.

Abu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan goboladda Jubooyinka ayaa kasoo dhex-muuqday sawirro lagu baahiyay baraha internet ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda, isaga oo xiran dareeska guutadda 14-ka October.

Lama ogga cidda ugacan-gelisay Al-Shabaab dareeskaan, balse, dadka ka faalooda arrimaha amaanka ayaa rumeysan in laba midkood ay tahay in Al-Shabaab ay si toos ah ugu geeyeen xubno dowladda ka tirsan ama inay kala baxeen Askar ay dileen.

Dowlada Soomaaliya wali dhankeeda kama aysan hadlin arrinkaan, inkasta oo warsidaha Garowe Online uu isku deyay inuu xiriir kala sameeyo arrinkaan Wasaaraddaha ay quseyso, kuwaasoo sheegay in aysan haatan diyaar u ahayn inay ka hadlaan.

Askar katirsan guutada 14ka Oktoobar ee dowladda Soomaaliya

Tuutaha lagu arkay Al-Shabaab ayaa loo sameeyay ciidamada xasilinta caasimadda, kuwaasoo la kala diray kadib weeraradii is xig-xigay ee lagu qaaday dhismaha Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha gudaha, iyo kontaroolka koowaad ee Madaxtooyadda.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo ubadan dhalinyaro markii horey kasoo goosatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatan xero ciidan looga sameeyay duleedka Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, halkaasoo tababar Boolisnimo lagu siinayo.

Booliska ayaa si toos ah loogu wareejiyay amniga Magaaladda Muqdisho oo mudooyinkii dambe kasoo fiicnaanayo sidii hore, inkasta oo ay ka dhacayaan daafaha Magaalada qaraxyo loo adeegsanayo Miino, hadana dilalka qorsheysan ayaa hoos udhacay.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyay in xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo amniga Muqdisho si toos ah looga maamuli jiray haatan uu soo faray geliyay Farmaajo, kadib markii qarax ka dhacey ismiidaamin ah afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Weeraradii xarunta Otto Otto iyo Kontaroolka 1aad ee Madaxtooyadda ayaa tooshka ku ifiyay habac-sanaanta dhanka amniga ee dowladda, maadaama saacado kadib weerarkaas uu meesha maray Farmaajo, taasoo la sheegay in la doonayey in lagu beegsado.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab gacanta ay ku dhigto dareeska ciidanka DF, waxaan sidaan oo kale horey loosoo bandhigay in darees loogu talagay ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ugacan-galay Shabaab oo weeraro kaga fuliyay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM