Sidee beesha caalamka uga hadashay weerarkii Al-Shabaab ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida looga bartey, beesha caalamka ayaa cambaareysay weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama.

Qaramada Midoobey: Xoghayaha Guud ee UN-ka António Guterres ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inaysan ka niyad-jebin weerarada Al-Shabaab dib u dhiska dalkooda iyo hiigsiga mustaqbalka wanaagsan iyo Soomaaliya oo nabad ah.

Turkiga: War kasoo baxay Wasaaradd Arrimaha dibadda ayaa lagu cambaareeyay weerarka Muqdisho, waxaana tacsi loo diray eheladda kuwii lagu dilay, iyaadoo caafimaad deg deg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay.

Sacuudiga: Sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in boqortooyadda ay si kulul u cambaareynayso qaraxyadii saddexda ahaa, ee ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lagu dilay 30 qof, ku dhawaad 100 kalena lagu dhaawacay.

Midowga Africa: Wakiilka AU ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa sheegay in weerarka uu muujinayo sida Al-Shabaab uga naxeynin nolosha shacabka, iyadoo ujeedkiisuna yahay in lagu xagal-daaciyo degaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Mareykanka: Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarka, iyadoo lagu amaaninay ciidamada amniga dowladda sida ay uga falceliyeen.

Halkan ka akhriso qoraalka Safaaradda:

Dowladaha Qatar iyo Sudan ayaa kamid ah dalalka cambaareeyay weerarka, iyadoo midnimo iyo taageero u balan-qaadey dowladda Federaalka iyo Shacabkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM