Sidee dowladda Soomaaliya u aragtaa Wadahadallada ONLF iyo Itoobiya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay aragtideeda ku aadan Wadahadallada magaalada Nairobi uga socda Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Wadahadalka labada dhinac, oo uu sheegay inuu yahay tallaabo loo qaaday dhanka nabada gobolka Geeska Africa.

Wuxuu intaasi ku daray Wasiirka in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageerayso, islamarkaana ay soo dhaweynayso heshiiska dowladda Itoobiya iyo ONLF, oo malaintii 5-aad Shirka uga socda magaalada Nairobi.

Dhanka kale, Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo uu sheegay in dhawaan ay furmi doonaan, si loo sii amba-qaado kulamadii u socda labada dhinac oo hakad ku jiray tan iyo 2015.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad ayaa dhawaan Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Hargeysa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti.

Sacad ayaa xusay in dowladda Switzerland marti-gelin doonto wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyaguna ay soo dhaweynayaan maadaama laga soo wareejiyay Turkiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM