Sidee maalinta 1aad ee ciidul fidriga looga ciiday Kismaayo? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Iyadoo maanta oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida Soonfur ama Ciidul Fidriga ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya looga oogay si-isku mid ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna xarunta KMG ee Jubbaland ayaa waxaa salaada Ciida lagu tukaday meelo kala duwan oo Madaxtooyada ay kamid tahay.

Ugu horeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa wuxuu mas'uuliyiinta iyo Shacabka uu kula tukaday gudaha madaxtooyada, halkaasi oo loo doortey inay tahay meel amni ah oo madaxda ku oogi karaan salaadda.

Axmed Madoobe ayaa salaadda kadib u jeediyey jameecadda khudbado kooban, oo ay hambalyo ugu jeediyay Shacabka ku nool Jubbaland, iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Garoonka Kubada Cagta ee Waamo, ayaa isagu yimid saaka Boqaal qof, oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo si wadajir ah ah halkaasi ugu oogay Salaadda.

Salaadda kadib, dad-weynaha ayaa waxay isugu soo baxeen wadooyinka, iyagoo isugu hambalyeynaya maalintan shucuubta Muslimiinta u tahay maalin ku wayn, waxayna isa-siinayeen Hadiyado, hambalyo iyo in la is booqdo.

Ciidul Fidriga ayaa kamid ah maalmaha ugu farxada badan ee Shucuubta ku nool caalamka, gaara ahaan Umadda Soomaaliyeed. 

Ciid Mubaarak!

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM