Sidee maalinta 1aad ee ciidul fidriga looga ciiday Kismaayo? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Iyadoo maanta oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida Soonfur ama Ciidul Fidriga ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya looga oogay si-isku mid ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna xarunta KMG ee Jubbaland ayaa waxaa salaada Ciida lagu tukaday meelo kala duwan oo Madaxtooyada ay kamid tahay.

Ugu horeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa wuxuu mas'uuliyiinta iyo Shacabka uu kula tukaday gudaha madaxtooyada, halkaasi oo loo doortey inay tahay meel amni ah oo madaxda ku oogi karaan salaadda.

Axmed Madoobe ayaa salaadda kadib u jeediyey jameecadda khudbado kooban, oo ay hambalyo ugu jeediyay Shacabka ku nool Jubbaland, iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Garoonka Kubada Cagta ee Waamo, ayaa isagu yimid saaka Boqaal qof, oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasi oo si wadajir ah ah halkaasi ugu oogay Salaadda.

Salaadda kadib, dad-weynaha ayaa waxay isugu soo baxeen wadooyinka, iyagoo isugu hambalyeynaya maalintan shucuubta Muslimiinta u tahay maalin ku wayn, waxayna isa-siinayeen Hadiyado, hambalyo iyo in la is booqdo.

Ciidul Fidriga ayaa kamid ah maalmaha ugu farxada badan ee Shucuubta ku nool caalamka, gaara ahaan Umadda Soomaaliyeed. 

Ciid Mubaarak!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM

Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 08:44AM