Siyaasi Faarax Cali Shire oo baaq nabadeed diray [Dhageyso]

Image

GAROOWE - Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa codkiisa ku biiriyay baaqa nabadeed ee loo dirayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Cagaare iyo Qoriley.

"Dagaalka waa uu soo noq-noqday, go'aanadii hore looga gaareyna waxba kama hergelin, marka waxaan ugu baaqayaa labada dhinac in colaadda wadahadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo," ayuu yiri Faarax.

Siyaasigan ayaa cambaareeyay cid kasta oo dagaalka ka qeyb-qaadatey labada dhinac, hadii ay ahaan lahayd af, adin iyo dhaqaale, taasi oo dheera-gelinaysa in colaadda sokeeye ay daba dheeraato.

Faarax Cali Shire ayaa hadlay warar soo baxaya oo sheegaya in in ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka ay ku lug yeesheen dagaalka Cagaare iyo Qoriley, inkastoo warkaasi aan wali la xaqiijin.

"Waxaa soo baxaya warar la leeyahay ciidamo ayaa ka qeyb-qaatey, ciidamada Puntland waxaan ugu baaqayaa inay labda dhinac dadkooda yihiin, oo looga baahan yahay inay kala dhex-galaan, oo amniga soo celiyaan," ayuu hadalkiisa raaciyay Faarax.

Wuxuu ku baaqay in la baaro in ciidamada Puntland ay ka qeyb-qaateen, kadibna tallaabo sharci ah laga qaado cid walba oo si qarsoodi ah u gashay dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Faarax ayaa ka codsaday culimada, waxgaradka iyo nabadoonada inay si deg deg ah, oo aan daahid lahayn ugu istaagaan joojinta dagaal beeleedka sababaya burburka iyo barakaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM