Siyaasi u dhashey Kenya oo dowlada Soomaaliya kala shaqeynaya dagaalka Imaaraadka
MUQDISHO- Faarax Maaliim Maxamed oo ah siyaasi kasoo jeeda dhalsho ahaan dalka Kenya ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ka tageeraya olalaha siyaasdeed ee ka dhanka ah wadanka Imaaraadka Carabta kaasoo ka socda baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twiter.
Faarax Maaliim oo horey dalka Kenya ugu soo noqdey Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ayaa maalmihii lasoo dhaafey marti u ahaa dowlada Federaalka isagoo dagan Hotel Jaziira ee ku yaal magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Siyaasigaan u dhashay dalka Kenya ayaa bartiisa Twiter-ka ku wareera dalka Imaaraadka iyo siyaasiyiinta Soomaalida ah ee lagu tirinayo iney kasoo horjeedaan sida dowlada Federaalka u wajaheyso xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya labada dal.
Faarax Maaliim oo doorashadii dalka Kenya ka dhacdey sanadkii la soo dhaafey kula tartamaey kursiga xildhibaanimo ee bartamaha Gaarisa Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa looga adkaadey 22,587 cod, halka Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamanka uu heley 14,897 cod.
Maalim ayaa sida warsidaha Garowe online ogaadey soo jiitey indhaha dowlada Federaalka kadib markii uu taageerey qaraarkii Barlamanada Federaalka Soomaaliya ku yiraahdaan shirkada DP World dalka ha kabaxdo isagoo weerar afka ah ku qaadey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
Qoraal bartiisa Twiter uu soo dhigey Faarax Maalim maanta ayaa waxaa uu ku tilmaamey iney yihiin Khaayinul Wadaniyiin labadda maamul Madaxweyne ( Gaas iyo Madoobe) oo waqtigaan booqasho ku jooga dalka Imaraadka Carabta.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamanka Kenya ayaa qoraalkiisa uu soo dhigey bartiisa Twitter ku sheegey in labadaan Madaxweyne ay tahay in maalin uun la horkeeno Maxkamad. Faarax ayaa qoraalkiisa Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre kaga codsadey in talaabo deg deg ah ka qaadaan labadaan hogaamiye.
Waa markii ugu horeysay siyaasi dal kale u dhashey faragalin toos ah ugu sameeyo arimaha gudaha dalka Soomaaliya isagoo baraha bulshada, talefishinada toos u weerara siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxdooda.
Hadalada lagu qorayo baraha bulshada kuwaasoo ku wajahan dalka Imaraadka iyo dadka lagu tiranayo iney kasoo horjeedaan siyaasada dowlada Soomaaliya ee ku aadan sida ay u maamushay xiriirka labada ( Soomaaliya iyo Imaaraadka) ayaa Villa Somalia waxay ku bixisaa lacago iyo balan qaadyo xilal siyaasadeed oo la siinayo dadka ka qayb qaata ololahaan.
GAROWE ONLINE