Siyaasiyiin madaxwayne Xasan Sheekh uga digay “isku-day muddo kororsi”

Image
Waxay sidoo kale caddeeyeen inaysan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan horey looga diiday madaxweynihii hore ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sh. Axmed , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si adag uga hadlay burburka shirkii madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Muqdishu. Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku dayayo muddo-kororsi sharci-darro ah, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo kasta oo sharci ah u adeegsan doonaan si ay u hor istaagaan damacaasi.

Waxay sidoo kale caddeeyeen inaysan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan horey looga diiday madaxweynihii hore ee dalka. Waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan uu shacabka ku khaldayo ereyga doorasho qof iyo cod ah, isagoo doonaya inuu ku fushado muddo kordhin sharci-darro ah, taasoo aan la aqbali doonin.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, oo goor dhow ka dhoofaya garoonka Muqdisho, isagoo diiday inuu aqbalo muddo kordhintaas. Waxaa jiray isku dayo ay dowladda ku dooneysay iney safarkiisa joojiyaan, balse wuxuu gacan sayray dalabyadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM