​Somalia: 14 qof ku dhimatay dagaal ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE- Dagaal kharaar ayaa maanta dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwada AMISOM ee Midowga Afrika iyo ururka Al-Shabaab, waxaana iska hor-imaadkaas ku dhintay ugu yaraan 12 ruux oo ay ku jiraan dad guryahooda lagala baxay.

Goob joogayaal kusugan degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in mallayshiyaad katirsan Shabaab afar jiho oo kala duwan weerar kaga soo qaadeen magalada, iyagoo doonaya inay la wareegaan maamulka degmadaasi, balse iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada huwanta ah. 

Afgooye, ayaa haatan dagan, waxaan gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia. War laga baahiyay Radiyaha ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegey mas'uuliyadda weerarkaasi iyagoo dagaalkaasi guul ka sheegtay islamarkaana xusay inay dileen 10 katirsan ciidanka dowladda. 

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamda dowladda laga gubay labo gaari, balse Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose 

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa weli ku sugan xoogag ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo inta badan weeraro ka gaysta saldhigyada ciidamada dowladda, waloow maanta iska caabin xooggan lakulmeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM