​Somalia: 14 qof ku dhimatay dagaal ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE- Dagaal kharaar ayaa maanta dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwada AMISOM ee Midowga Afrika iyo ururka Al-Shabaab, waxaana iska hor-imaadkaas ku dhintay ugu yaraan 12 ruux oo ay ku jiraan dad guryahooda lagala baxay.

Goob joogayaal kusugan degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in mallayshiyaad katirsan Shabaab afar jiho oo kala duwan weerar kaga soo qaadeen magalada, iyagoo doonaya inay la wareegaan maamulka degmadaasi, balse iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada huwanta ah. 

Afgooye, ayaa haatan dagan, waxaan gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia. War laga baahiyay Radiyaha ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegey mas'uuliyadda weerarkaasi iyagoo dagaalkaasi guul ka sheegtay islamarkaana xusay inay dileen 10 katirsan ciidanka dowladda. 

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamda dowladda laga gubay labo gaari, balse Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose 

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa weli ku sugan xoogag ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo inta badan weeraro ka gaysta saldhigyada ciidamada dowladda, waloow maanta iska caabin xooggan lakulmeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM