20 ku dhimatay weerarkii xeebta Liido

Image

MUQDISHU: Wararkii ugu dambeeyey Muqdishu waxa ay sheegayaan in ugu yuaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarkii xalay fiidkii lagu qaaday makhaayado ku yaalla Xeebta Liido. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Tiro intaa lamid ah ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay sida wasaaradda ay sheegtay. dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah weriyihii hore ee BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim macallimu.

Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa waxa ay sheegayaan in rasaasta ay dhinackastaa u duuleysay, dadka qaar ay ka boodeen daaqadaha qaarna ay musqulo isku xireen.

Xaaladda goobta weerarka uu ka dhacay ayaa hadda la sheegayaa inay gacanta ku hayaan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Laamaha amniga waxa ay sheegayaan inay gacanta ku dhigeen nin ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerarkaasi lagu qaaday Liido.

Xigasho:BBC

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM