20 ku dhimatay weerarkii xeebta Liido

Image

MUQDISHU: Wararkii ugu dambeeyey Muqdishu waxa ay sheegayaan in ugu yuaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarkii xalay fiidkii lagu qaaday makhaayado ku yaalla Xeebta Liido. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Tiro intaa lamid ah ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay sida wasaaradda ay sheegtay. dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah weriyihii hore ee BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim macallimu.

Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa waxa ay sheegayaan in rasaasta ay dhinackastaa u duuleysay, dadka qaar ay ka boodeen daaqadaha qaarna ay musqulo isku xireen.

Xaaladda goobta weerarka uu ka dhacay ayaa hadda la sheegayaa inay gacanta ku hayaan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Laamaha amniga waxa ay sheegayaan inay gacanta ku dhigeen nin ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay weerarkaasi lagu qaaday Liido.

Xigasho:BBC

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM