Somalia: 20 Loo Xirxirey Qaraxa Diyaarada Daalo

Image

MUQDISHU- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray dad ka badan labaatan qof, oo lala xiriirinayo qaraxii dhinaca ka dalooliyay diyaaradda Daallo talaadadii hore markaas oo ay si degdeg ah ugu soo laabatay garoonka Adan Cadde oo ay markii hore ka duushay. 

Cabdisalaan Axmed Caato, oo ah afhayeenka xukuumadda ayaa BBC-da u sheegay in su'aalo la waydiinayo dad kabadan labaatan qof oo la tuhunsanyahay in ay wax ka abaabuleen isku daygii diyaaradda Daalo lagu ridi lahaa todobaadkii hore. 

Sawirro ka soo muuqday kaameerooyinka lagula socda ammaanka garoonka Adan Cadde, ayaa laga arkay labo nin oo midkood uu wato jaakadaha shaqaalaha garoonku ay isticmaalaan oo kombiyuutar yar ku wareejinaya nin kale oo loo malaynayo inuu ahaa qofka fuliyay qaraxa diyaaradda.

Cabdisalaan Caato, ayaa sheegay in mudo sodon iyo lix saac ah ay ku soo bandhigi doonaan warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa dadka loo soo xiray eedeymaha ku saabsan qaraxa diyaaradda Daallo.

Dowlada Federalka iyo ciidamada amaanka Amisom ayaa kala kulmay wajigabax shirkadaha iska leh diyaardaha kuwasoo tuhun ka muujiyey amaanka garoonka diyaardaha Muqdishu kuwasoo joojiyey diyaardihii ka imaan jirey halkaas.

BBC+ GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM