Somalia: ​30 sarkaal oo tababar loogu diray Talyaaniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu xarunta Somalia lagu sagootiyay 30 sarkaal katirsan ciidamada Boliiska dalkaas, kuwaasi oo u baxay tababar aan la cayimin inta uu qaadan doono, balse kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

Madaarka diyaaradaha caasumadda Somalia, waxaa ku sii sagootiyay taliyaha ciidanka Boliiska Somaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuuna sheegay inay ka go'antahay dowladda Somalia kor u qaadista iyo tayaynta laamaha kala duwan ee ciidamada dalka gaar ahaan Boliiska.

“Waxaa sharaf noo ah inaan sagootino saraakiisha sare ee ciidanka booliska oo muddo tababbar ku soo qaadan doono magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, arritan waxa ay ka dambeysay booqashadii aan ku tegay bishii hore dalka Talyaaniga oo aan kula soo kulmay dhigeyga,"Ayuu yiri Xaamud.

Qaar kamid ah saraakiisha u dhoofay Talyaaniga ayaa ka hadlay dareenkooda waxayna tilmaameen inay ku faraxsanyihiin tababarka loo diray, iyagoo nasiib wanaag ku sifeeyay qorshahan soo laabtay 25 kadib.

Talyaaniga ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagsan la leh Somalia, waxaana waddankaasi kamid ahaa dalalkii gumaystay Somalia gaar ahaan gobollada Koonfureed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM