Somalia: Al-Shabaab oo ka hadashay duqaynta Maraykanka

Image

War kasoo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay tirada weerarka Maraykanku ka gaystay Koonfurta Somalia, waxaana Afhayeen u hadlay ururkaasi oo  lagu magacaabo Abdulaziz Abu Mus'ab uu sheegay inaysan xaqiiqo ahayn tirada weerarka lagu dilay, wuxuuse qiray in duqayntu dhacday.

Afhayeenka oo lahadlayay al-Jazeera qaybteeda Afrika, wuxuu shaaciyay in tiro intaasi le'eg oo kooxda ka mid ah goob la isugu keenin, wuxuuna hadalka Maraykanka ku tilmaamay riyo. 

"Ameerikaanku wey riyoonayaan, weligeen tiro intaasi le'eg oo kooxdeena kamid ah hal goob isumaanan keenin, waan la soconaa xaaladda ammaan,"Ayuu yiri Abu Mus'ab. 

Wuxuu intaasi ku daray in weerarka ka dhacay deegaanka Maraykanku sheegay oo 170km u jirta magalada Muqdishu, "Haa, weerarku waa dhacay, wuxuuna ka dhacay halka ay sheegeen, laakiin tirada dhimashada ee adduunka loo baahiyay waa been,"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muscab.

Arrintan ayaa timi xilli Afhayeen u hadlay Pentagon Maraykanka oo lagu magacaabo Jeff Davis uu sheegay inay dileen 150 katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa saldhiga ay ku lahaayeen tuulo hoos timaada degmada Buloburte.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM