Somalia: Al- shabaab oo qabsatey degmada Badhaadhe

Image

KISMAYO: Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Badhaadhe oo ay saaka faarujqiyey ciidamada Amisom iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Horjoogeyaal ka tisarn kooxdan, ayaa lagu warramayaa inay isku soo bixiyeen dadka magaalada oo ay hadallo u jeediyeen.

Faarax Heybe Macallin oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa Badhaadhe ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamada Kenya oo ay waheliyaan kuwa Soomaalida ay saaka ka baxeen magaalada Badhaadhe.

Faarax, ayaa sababta ku sheegay in ciidamada lagu amray inay kasoo baxaan Badhaadhe.

Dadka ku nool magaalada Badhaadhe ayaa sidoo kale VOA u xaqiijiyay in magaalada Badhaadhe ay ka baxeen ciidamadii Kenya ee ku sugnaa.

Degmada Badhaadhe ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa 180 KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana sadexdii sano ee ugu dambeeyay ku sugnaa ciidamada Kenya.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa isag baxey degaanka Ceelcad gobolka Gedo kadib markii xero halkaas ku lahaayeen weerar ururka Al-shabaab kusoo qaadey khasaaro badan ugu gaystey.

Dadka la socda arrimaha ciidamada Amisom ee ku sugan dalka Somalia ayaa sheegeya in dhaqdhaqaaqa KDF u muuqdo mid culeys ay ku sarayaan beesha caalamka madaama ay jirto cabasho ku aadan dhinaca hubka iyo dhaqaalaha.

Ciidamada Amisom oo saldhigyo ku leh inta badan koonfurta Somalia ayaa waxay dhibaato kala kulmaan sida ay isaga difaaci lahaayeen weerarada gaadmada ah ee kaga imaanaya ururka Al-shabaab.

Ka bixista ciidamda Badhaadhe iyo Ceelcad ayaa imaaneysa xilli ciidamada Kenya Jan 15,2016 lagu weerarey xero ku taal degaanka Ceelcad ee ku taal gobolka Gedo halkasoo ururka Al-shabaab ku dileen askar aan tiradooda la shaacin..

VOA+ GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM