​Somalia: AMISOM oo ka hadashay dilkii loo gaystay 4 qof shacab ah

Image

MUQDISHU- Warsaxaafadeed kasoo baxay hogaanka ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan ayaa looga hadlay dilkii shalay loo gaystay 4 qof shacab deegaanka Buulo-mareer gobolka Shabeellaha hoose, waxaana arrintaasi lagu sheegay mid aysan ciidamadu u samayn ula kac.

Qoraalkan, waxaa lagu muujiyay in arroortii hore Sabtidii lasoo dhaafay 16 April, 2016 deegaankaasi laga sameeyay howgal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana markii uu soo dhammaaday ciidamadu la kulmeen gaari xawli u socda oo ka dhaga adaygay inuu istaago, taasi oo kaliftay in rasaas lagu furo kadib markii loo maleeyay inuu sido walxaha qarxa.

Falkan, waxay sheegeen AMISOM inay ka xunyihiin islamarkaana qoysaskoodii la qaybsanayaan geerida soo wajahday shacabkaasi, waxayna xuseen inay samaynayaan baaritaan si wadajir ah u samaynayaan AMISOM, maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federalka Somalia.

Waxay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo ku haboon falcelinta dhibkan, kadib markuu soo dhammaado baaritaanku.

Dhinaca dowladda Somalia, majiro wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dilka shacabkaasi.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada Midowga Afrika dil u gaysteen shacab Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM