​Somalia: Buuq hareeyay kulankii Barlamanka

Image

MUQDISHU-Kulankii golaha Barlamanka Somalia ee maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdishu, ayaa kusoo gaba-gaboobay buuq iyo sawaxan ka dhashay ajandayaashii loo ballamay qaybtood oo qabsoomi waayay.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa loo madlanaa inay horyimaadaan Wasiirka Amniga Somalia iyo Taliyaasha Nabadsugidda iyo Boliiska, waxaan waraaq uu mudanayaasha u akhriyay gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka ku xusnaa cududaar kayimi wasiirka Amniga oo sheegay inuusan imaan karin madasha ilaa laga gaarayo 25 bishan oo ah xilliga fadhiga Barlamanku soo xirmayo. 

Mas'uuliyiinta loo yeeray, ayaa wax laga weydiin lahaa waxyaabo khuseeya xasaanadda mudanayaasha iyo amniga guud ee dalka.

Balse, baaqashada wasiirka Amniga ayaa keentay inay buuqaan Xildhibaanada kuwaasi oo diiday inay guda galaan ajandayaasha kale inta laga helayo mas'uuliyiinta loo yeeray, iyagoo gudoonka Barlamanka ku eedeeyay inuu uga baxay ballan. 

Uga dambayn xalka ayaa noqday in lagu kala tago madasha, mana jirto cid faahfaahin kabixisay qorshaha laga yeeli doono arrintan, waxaana mudanayaashu u muuqdeen kuwo usoo diyaar garoobay su'aalo la weediyo wasiirka iyo taliyaasha. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM