​Somalia: Ciidamada dowladda oo la wareegay Buur-weyn Hiiraan

Image

Ciidamada dowladda Federalka Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta degaanka  Buur-weyn oo hoostagta degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan. 

Buur-weyn waxaa gacanta ku hayay mallayshiyaad katirsan  Al Shabab. 

Gudoomiyaha Buula-burde, Cabdicasiis Duuroow Cabdi oo la hadlay warbaahinta ku hadashada Afka dowladda Somalia, ayaa sheegay in deegaankaas ahaa goob Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen, isagoo xusay inay kula wareegeen xoog. 

Duuroow, ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ururkaas isagoo xusay inay ka saari doonaan dhammaan goobaha ay kaga suganyihiin degmada Buula-burde.

“Buur-weyn oo u dhexeysa Jalalaqsi iyo Buulo-burte ayaan kala wareegnay maleeshiyada Al-Shabaab, mana jirto tabar kale oo ay Shabaabku halkaasi ku imaan karaan, runtii amniga deegaanka waa mid la isku haleyn karo,”Ayuu yiri gudoomiyuhu. 

Al-Shabaab, ayaa kusugan qaybo kamid ah gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM