​Somalia: Dowladda oo Cadaysay Shilka Daalo

Image

MUQDISHU-Xukuumadda Somalia ayaa iclaamisay natiijo hordhac ah oo ku saabsan shilka diyaaradda Daalo, kadib shir jaraa'id oo ku qabtay Muqdishu, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac "Jangali".

Jangeli, ayaa sheegay in waxa ka dhacay diyaaradda ahaayeen qarax si ula-kac ah loo geliyay, isagoo tilmaamay in ciidamada ammaanka Somalia falkaas usoo qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen Bambaano uu xusay inay diyaaradda ku qaraxday. 

Wasiirka ayaa cadeeyay in baritaanka shilkaas gacan ka geysteen khubaro Somalia iyo ajnabi isug jirta, gaar ahaan wuxuu xusay inay taageereen sirdoonka dalka Maraykanka. Wuxuu sheegay inuu socdo baritaanku, isagoo ka gaabsaday inuu faah-faahsho tirada dadka la xiray iyo qaabka diyaaradda looga galiyay bamka. 

Arrintan, ayaa soo baxday xilli horay tuhun looga muujiyay shilka diyaaradda Daalo inay ku lug leeyihiin ururka Al-Shabaab, waxaana Talaadadii lasoo dhaafay 02 bisha Febraayo, shil soo wajahay diyaaradda oo ku jirtay safar ay ugu socotay dalka Jabuti, iyadoo ka duushay Muqdishu, waxaana saarnaa in kabadan 70 ruux. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM