​Somalia: Dowladda oo fasaxday shaqaalaha

Image

MUQDISHU- Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in muddo dhan labo bari la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, maadaama maanta ku beegantahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha Addunka oo sannad walba la xuso 1 May.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in la fasaxay qof kasta oo shaqo qaran u hayay ummadda Somalia, si loo weyneeyo maalintan oo uu ku tilmaamay in muhiimad gooni ah ugu fadhido dowladda Somaliyeed.

“Shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga laheyn labo maalmood ayaa la fasaxay, maadaama maanta ay tahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha adduunka, shaqaale kasta oo Soomaaliyeed xuquuq gaar ah ayuu leeyahya,”Ayuu yiri lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dalka Cusmaan Libaax.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Somaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay ka qayb qaataan xuska maalinta islamarkaan noqdaan kuwii dalka iyo dadkaba hormar gaarsiiya.

Meelo badan oo Somalia, kamid ah ayaa la filayaa in lagu qabto munaasabado kala duwan oo kor loogu qaadayo maalinta caalamiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM