​Somalia: Faruq oo soo dhaweyay xilka loo xukumay

Image

MUQDISHU- Maxkamadda Sare Somalia,  ayaan go'aan rasmi ah ka gaartay muran muddo dheer soo taagnaa kaasoo salka ku haya cidda xoghaye u ah ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ. 

Dacwad ay qaaday maxkamaddu, waxay ku go'aamisay in xoghaya ururka sharci ahaan yahay Cumar Faruq Cusman, iyadoo sharci darro ku tilmaamtay tallaabada xilka looga qaaday sannadkii 2011, ee booskaas loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan).  

Haddaba Arrintaasi waxaa Radio Garowe, waxa ka weydiisay Cumar Faruq isagoo soo dhaweyay tallaabada maxkamaddu qaaday, kuna sifeeyay mid dan u horseedaya saxaafadda Somalida, wuxuuna tilmaamay inay bilaabayaan shaqadooda.  

Xeerka Warbaahinta Somaliyeed, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna xusay in qodobo kamid ah caqabad ku yihiin jiritaanka saxaafiyiinta, maadamada sida u carrabka ku dhuftay ku tumanayo xuquuqda wariyaasha ku shaqeeya marxaladda adag.  

Dhanka kale, xiriir aan la samaynay Pakistan ayuu ku sheegay inuusan sharci ahayn go'aanka maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in magalada Muqdishu laga qorshaynayo kulan arrinkaas looga soo horjeedsanayo, taas oo ay wadaan Wariyaasha ku dhaqan xarunta Somalia ee Xamar.  

Wasaaradda warfaafinta Somalia, weli kama hadlin go'aanka maxkamadda Somalia.  

Arrintan ayaa soo baxday xilli dhawaan la sameeyay sharci hagaya saxaafaadda Somaliyeed, waxaana tallaabadan saamaynayaa labada garab ee wada sheeganaya xilka Xoghaya ururka NUSOJ.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM