​Somalia: Ganacsade lagu dilay Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Rag ku hubaysan bastoolado, oo aan heebtooda la garan ayaa Beledweyne ku dilay Allah ha u naxariistee Daahir Mahad Alle, oo ahaa Ganacsade caan ah.

Dilka Ganacsadaha wuxuu ka dhacay Caawa Xaafadda Kooshin, gaar ahaan halka loo yaqaano Raadeerka, waxaana sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay Wiil uu dhalay Daahirka dhintay.

Dhaawaca wiilka uu dhalay ganacsadaha dhintay, ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee degmada Beledweyne, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Isbitaalka Axmed Maxamed Khaalif

Lama oga sababta ka danbaysa Dilka Ganacsadaha, balse waxa uu noqonayaa midkii ugu danbeeyay dilal joogto ka noqday magaaladaas, oo lagu beegsanayay Odayaasha dhaqanka iyo hal doorka bulshada.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda falkaas.

2 qof oo ku dhintay gobolka Shabeellaha dhexe:-

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in labo ruux ku geeriyoodeen fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Labo nin ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen deegaanka Bayaxoow oo hoostaga magaalada Jowhar.

Mid kamid labada ruux ayaa maydkiisa la helay, halka kane kale la sheegay inay la tageen daadad kusoo fatahay beero halkaasi ku yaallay.

Ruuxa maydkiisa la helay, ayaa la sheegay inay ku gudo jiray moosidda daad soo galay beertiisa, halka kan kale lasoo warinayo in biyo xooggan qaadeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa khasaaro xooggan ka dhasheen fatahaado ay sameeyeen wabiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana dhacdadan kusoo beegantay xilli lagu guda jiro xilli Roobaadkii Dayrta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM