​Somalia: Hoobiyaal ku dhacay nawaaxiga Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia- Madaafiic ayaa lagu weeraray Xaafaddo ku dhaw Qasriga Madaxtooyadda (Villa Somalia), ee magaalada Muqdishu xilli Maanta halkaasi uu ka furmay shirka Madasha Hogaanka Qaran.

Wararka GO uu ka helayo dad degan xafadaha ku dhaw Villa Somalia, ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 Hoobiye ku dhaceen goobo ku dhaw Madaxtooyada, oo amaankeeda aad loo adkeeyay Maalmahan.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogeyn halka laga soo tuurey Hoobiyaasha iyo cidda soo riday, balse waxaa xusid mudan in tiro dhowr jeer ah sidan oo kale madaafiic loogu garaacay agagaarka xarunta looga taliyo Somalia.

Wadooyinka gala Villa Somalia ayaa lagu soo daadgureeyay ciidamo badan, oo Soomaali iyo AMISOM isagu jiro duqeynta kadib, waxaana wali la helin xogta Khasaaraha ka dhashay falkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo beegay Furitaanka Shirka Madasha Hogaanka Qaran, oo ay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulada uga wadahadlayaan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Fah-faahin filo Goordhow Insha Allah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM