​Somalia: Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga doorashooyinka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xeer uu maanta soo saaray ku magacaabay liiska  guddiga doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doonta 2016, kuwaas oo isku shaandhany kooban lagu sameeyay, maadama shirkii madasha wadatashiga Qaran lagu hishiiyay in laga saaro siyaasiyiintii horay loogu daray.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu magacaabay 22 xubnood oo kala ah;

1.Cumar Maxamed Cabdulle

2. Mustaqiim Wayd

3. Maxamed Kaynaan

4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

5. Nafisa Geeddi Santuur

6. Maxamed Cali Diiriye

7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye

8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

9. Saciido Maxamed Musciid

10. Aweys Abuukar Sokorow

11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac

12. Burhaan Cilmi Xirsi

13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib

14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon

15. Salaad Cali Ibraahim Catoos

16. Aadan Cabdinaasir Maxamed

17. Cabdullaahi Salaad Yarow

18. Yaasiin Cabdi Jaamac

19. Axmed Maxamed Saciid

20. Fardowsa Maxamed Ducaale

21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow

22. Raaxo Maxamed Janaqow

Guddigan ayaa howshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

Xeerkan uu madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray, ayaa ka naqdinaya dhammaan wixii xeer ah oo ka horeeyay kaasi oo ka hor imaanaya doorashada waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM