Somalia: Maraykanka oo xaqiijiyey dilka Xasan Cali Dhoorre

Image

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa ku dhintay hawlgal ay gaysteen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

Saraakiisha Soomaalia iyo kuwa Maraykanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in hawlgal lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabab uu dhacay. Aqalka Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in la dilay Xasan Cali Dhoorre kadib iskaashi lala sameeyey ciidamada dawladda aSoomaaliya.

Goor horena Jeneraal ka tirsan dawladda Soomaaaliya ayaa sheegay in hawlgal ay fuliyeen ciidamada kumaandowska lagu dilay Xasan Cali Dhoore oo ka tirsanaa amniyaatka Shabab. Xasan Cali Dhoore ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaatka ururka Al-Shabab. 

Laba nin oo kale ayaa la sheegay inay la dhinteen. Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in hawl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka. 

Hase yeeshee warar VOA heshay ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday inta u dhaxaysa magaalooyinka Kamsuuma iyo Jilib. Balse Maraykanka ayaa sheegay inuu dhacay hawlgalka Al-Shabab ka dhan ka ah Isla markaana la qiimaynayo khasaarahana buuxa ee hawlgalka. 

Xasan Cali Dhoore, waxaa horay madaxdiisa lacag u dul dhigtay dawladda Soomaaliya, wuxuuna madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorshaysan ee gobolka Banaadir. 

Maraykanku waxay sheegeen in Dhoorre uu kormeere ka ahaa weerar lagu dilay ugu yaraan saddex qof oo ah muwaadiniinta Maraykanka. Maraykanku waxa uu sheegay in Dhoore uu lug toos ah ku lahaa weerarkii 25-kii Diisambar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu oo ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo muwaadin Maraykan ah. 

Waxa kale oo Pentagon-ku sheegay inuu ka dambeeyey weerarkii 25-kii Maarso lagu qaaday huteelka Maka Al-Mukarrama oo dadka ku dhintay uu ku jiray muwaadin Maraykan ah. Af-hayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay uu qorshaynayey weeraro kale oo ka dhan ah muwaadiniinta Maraykanka magaalada Muqdishu. 

Saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal kale oo ka dhacay agagaarka Jannaale lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan ururka Al-Shabab. 

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah ay dhacday 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobollada jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose, taasi oo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabab.

VOA

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM