​Somalia: Marka oo kusoo laabtay gacanta dowladda

Image

MARKA- Wararka aan ka helayno degmada Marka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika la wareegeen gacan ku haynta xarunta gobolkaas, kadib saddex bari oo ay ku jirtay gacanta Al-Shabaab. 

Lawareegistan, ayaa timi markii dagaal xooggan galinkii dambe shalay ka dhacay deegaanka Buufow oo ku dhaw Marka, waxaana dagaalkaas uu dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay iska hor-imaadkaas, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Goob joogayaal aan xiriir kala duwan la samaynay, ayaa kusoo waramaya in ciidamda gacanta ku dhigay magalada ay wateen gaadiid dagaal oo aad u tiro badan islamarkaana gacanta ku hayaan dhammaan magalada. 

Xaaladda ayaa lasoo warinayaa inay dagantahay, dadkii ka gaxayna dib u soo laabanayaan, marka laga reebo dadka kasoo jeeda qabiilka Biyo-Maalka kuwaasoo oo cudud iyo dhaqaalaba ku taageeray mallayshiyaadka Shabaab.

Lama garan karo sababta ay ku taageereen, balse waxaa xusid mudan in qabiilkan daga gobolka Shabeellaha hoose horay u dhaleeceeyeen dowladda Somalia iyagoo ku eedaynaya dagaallo gobolka ka dhacay. 

Magalada Marka ayaa kamid ah goobaha muhiimka ee dowladdu maamulaysay mudooyinkii dambe, balse dib ula wareegeen ururka Shabaab xilli ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduba kabaxeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM