​Somalia: Nabadoono lagu gowracay gobolka Baay

Image

BARDAALE, Somalia-  Kooxda Al Shabaab ayaa labo Nabadoon oo caan ahaa ku gowracday deegaan ku dhaw degmada Bardaale, ee gobolka Baay.

Taliyaha ciidamada booliska degmada Bardaale Maxamed Isaaq, ayaa GO u xaqiijiyay in Al Shabaab dhawaan labo Nabadoon ka  afduubteen degmada, kadibna ay Axaddii shalay la bireeyay.

Dilka Nabadoonad waxa uu ka dhacay deegaanka Tuurabuureey oo ku dhawaad 20KM dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Bardaale ee gobolka Baay, oo ay maamusho xarakada Al Shabaab.

Meydadka Labada Oday oo Madaxa ka go'an ayaa Saakay lagu arkay duleedka degmada Bardaale, oo Al shabaab soo dhigtay kadib markii ay dileen Shalay.

Wararka GO heshay ayaa sheegaya in sababta mallayshiyaadkan u dileen Odiyaasha tahay inay xiriir dhaw oo wadashaqeyn ah la lahaayeen maamulka degmada Bardaale, ee Koonfur Galbeed Somalia.

Ururkan dagaalka kula jira dowladda Somalia iyo AMISOM ayaa inta badan Koonfurta Somalia ku dila duubabka kasoo horjeesta awaamiirtooda, gaar ahaan bixinta xoolo ay ugu yeeraan Zakawaat iyo kuwa ay uga shakiyaan inay la shaqeeyaan maamulada dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM