​Somalia oo ka hadashay weerarka Turkiga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Ataturk ee Magaalada Istanbul dalka turkiga.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid waxashnimo isagoo ku tilmaamay mid argagixisadu ku doonayso inay ku layso dadka maatada ah.

Xasan Sheekh, ayaa tacsi u diray Madaxda dowladda Turkiga iyo Ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, wuxuuna ALLE uga baryay inuu caafimaad siiyo dadkii ku dhaawacmay.

“Anigoo ku hadlayo magaca Umada Soomaaliyeed waxaan Tacsi u dirayaa Madaxda Dowlada Turkiga iyo Shacabkii ay wax yeelada ka soo gaartay weerarka kooxaha Argagixisada ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Istanbul, waxaana alle ugu baryaa Dadkii ku dhaawacmay in alle Deg deg caafimaad siiyo," Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Weerarkii garoonka diyaaradaha Ataturk ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 36-ruux, halka 147 kale ku dhaawacmeen .

Dowladda turkigu waxaa ay masuuliyadaan weerarkaan qasaaraha badan dhaliyey ku eedaysay in ay ka danbayso kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish, balse ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan kulan deg deg ah isugu yeeray Ra'isal wasaaraha iyo mas'uuliyiinta amniga waxaana uu  sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee Istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa ayadoo la isticmaalayo dhiiga iyo dadka aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa kamid noqonaya kuwo horay uga dhacay dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM