​Somalia: Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia- Qarax lagu diyaariyay goob inta badan isugu yimaadaan ciidamada Canshuurta aruuriya oo katirsan dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu, waxuuna sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal halkaasi ku sugnaa.

Ugu yaraan 4 qof, ayaa ku dhimatay Qaraxaasi oo kusoo beegmay xilli maanta caasumadda Somalia ka furmay Shir wayne looga hadlayo Doorashooyinka 2016.

Capt. Faarax Xuseen, oo Sarkaal Booliska dowladda Somalia katirsan  ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen 4 qof, oo labo Haween ahaayeen, halka 2 kale rag yihiin, kuwaasi oo ku sugnaa Goobta uu Weerarka ka dhacay.

"Waxaan kuu xaqiijin karaa inay ku geeriyoodeen Qaraxa 4 qof, Hooyo, Gabadheeda iyo Labo Nin oo kale kuwaasi oo ku jiray Goob Maqaaxi ah oo ku taallo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada," ayuu yiri Faarax.

Ma jirto Cid sheegatay Mas'uuliyadda weerarkaasi ka dhacay Suuqa Bakaaraha, oo ah meel aad u mashquul badan, balse waxa uu qeyb ka yahay Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ee Kooxda Al shabaab fuliso.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM