​Somalia: Qarax lagu dilay ciidamo dowladda katirsan

Image

MUQDISHU- Kolonyo katirsan ciidanka dowladda Somalia oo marayay agagaarka deegaanka carbiska ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa haleelay qarax dhulka loogu aasay, waxaana ku dhintay qaar katirsan ciidamada Milateriga halka qaybo kale dhaawac soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa goobta weerarku ka dhacay ku geeriyootay, 2 kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Askarta weerarka ku dhaawacantay, ayaa loo qaaday magalada Muqdishu halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula soconayo.

Gaariga miinadu la kacday, ayaa kamid ahaa 3 gaadiidka dagaalka ah oo ciidamadu wateen iyagoo kusii jeeday degmada Afgooye.

Weerarkan, waxaa ka hadlay maamulka Shabeellaha hoose, waxayna sheegeen in tiro dadka deegaanka katirsan falkaasi loo soo qabtay, kuwaasi oo lagu tuhmay inay ka dambeeyeen hagidda miinada qaraxday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM