Somalia: Qaraxyo ka dhacey agagaarka Hotel SYL Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xoogan ayaa ka dhacey goor dhoweyd agagaarka Hotel SYL ee ku yaal nawaaxiga Villa Somalia iyadoo kadib la maqley rasaas tiro badan oo halkaas la isku waydaarsdey.

Goobtaan ayaa waxa muddo 40 daqiiqo kadib laga maqley qarax kale oo waaweyn, waxaana wararku sidoo kale sheegayaan in  goobta la yiraahdo Beerta Nabadda oo goobtaasi ka ag dhow la beegsadey.

Beerta Nabada ayaa waxaa galabta Jimca ahayd isugu yimaada qoysaska iyagoo halkaas carruurta ka helaan qalab lagu cayaarsiiyo.

Lama oga khasaaraha rasmiga balse wararka ayaa xusaya in weeraradan ahaayeen kuwa xoogan oo magaalada Muqdishu gabi ahaan laga maqley.

Al-shabaab ayaa si hore dhac ah u sheegatey mas'uuliyadda falkan kadib markii ay taleefon ugu sheegeen BBC islamarkaana soo dhigeen barahooda bulshada.

Weerarkan ayaa yimi xilli shalay 25 Febrayo, hoobiyaal lagu weeraray madaxtooyada Somalia iyadoo ay dhinteen shan ruux, waxaana falkaasi dowladda Somalia sheegtay inay u soo qabqabatay dad gaaraya 20 ruux iyo gaawari.

Wararka la xiriira qaraxyadan iyo khasaaraha kala soco Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM