​Somalia: Sarkaal Katirsan Nabad-sugidda oo Muqdishu Lagu Dilay

Image

MUQDISHU- Sarkaal katirsanaa hay'adda Nabad Sugidda Somalia ayaa caawa lagu dilay magalada Muqdishu xarunta Somalia gaar ahaan degmada Dharkeynley gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo gaystay Taliyahii degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdalla Dabaysha, waxaa la dilay xilli uu watay gaari nooca raaxada ah. 

Lama garanayo cidda dishay, balse waxaa falka gaystay rag Bastoolado ku hubaysnaa kuwaas oo toogashada kadib goobta ka baxsaday. Ciidamo katirsan kuwa amniga Somalia, ayaa goobta tagay iyagoo baaritaan ka sameeyay nawaaxiga lagu dilay taliyaha. 

Majirto cid faah-faahin kabixisay dilka loo gaystay sarkaalkan, marka laga reebo maamulka degmada Dharkaynley oo xaqiijiyay geeridiisa iyo inay baaritaan samaynayaan iyagoo kaashanaya ciidamada ammanka gobolka Banaadir. 

Dilalka noocaan ah, ayaa caado kanoqday magalada Muqdishu, wuxuuna kusoo beegmay xilli xalay, 05 Febrayo qarax lagula eegtay degmada Wadajir sarkaal katirsan hay'ad lagu magacaabo Civil Aviation iyo ruux kale oo weerarkaas ku dhintay, waxaana sarkaalkan oo aanan magaciisa helin soo gaaray dhaawac aan weynayn. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM