Shirka madaxda Somalia oo burburey.
MUQDISHU- Kulan galabta isugu yimaadeen madaxda Somalida iyo beesha caalamka ayaa burburey kadib markii la isku khilaafey qaabka loo dhisi doono barlamanka Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.
Kulankaan ayaa markii hore waxaa furey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh isagoo ku timaamey in shirkii magaalada Kismayo ku soo dhamaadey guul iyadoo lagu heshiiyey in aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo dhiso 4.5 halka aqalka sare maamulada dalka jka ira si siman u qaybsanayaan balse Puntland iyo Somaliland loogu daro min sadex xubnood xildhibaanada madaama gobolo badan hoos yimaadaan.
Arinkaan ayaa waxaa ka jawaabey madaxweynaha maamulka Galmudug oo sheegey ineysan aqbaleyn in sadex xubnood loogu daro Puntland iyo Somaliland halka madaxweynaha Puntland iyo Jubaland gabi ahaanba ku gacan sayreen soo jeedinta Xasan Shiikh.
Somaliland ayaan ka qayb galin wadahadalkaan iyadoo magaalada Muqdishu ku sugan yihiin dad kasoo jeeda goboladaas kuwasoo kamid ah golayaasha dowlada.
Wadahadalka galabta ayaa dib dambe loogu balamin iyadoo wararka qaar sheegayaan in beesha caalamka siisey madaxada Somalida labo maalmood oo kale iney farqigooda ku soo yareeyaan.
Madaxweynaha Puntland oo maalintii shaley kula kulmey xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqey ineysan ka tanaasuleen mowqofkooda ku aadan in Barlamanka Somalia lagu soo xulo nidaamka degmooyin.
GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey ee kulamada Muqdishu uga socda madaxda Somalida.