​Somalia: Taliye loo magacaabay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'isal wasaaraha xukuumadda Federalka Somalia ayaa lagu magacaabay taliye cusub oo ay yeelato hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka kadib markii mas'uulkii booskaas joogay loo badalay hay'adda nabad sugidda iyo Sirdoonka.

Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha isagoo badalaya Gaafoow oo xilkaasi muddo kabadan 10 sano hayay.

Gaafoow ayaa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud u magacaabay inuu noqdo taliyaha hay'adda nabad suggidda iyo sirdoon kadib markii uu booskaas ka qaaday Cabdiraxmaan Tuuryare.

Wareegtadan oo uu soo saaray Ra'isal wasare Cumar ayaa lagu sheegay in ninkan uu yahay shakhsi aqoon u leh jagadaas.

Koofi ayaa horay usoo noqday taliyha nabad suggidda gobolka Banaadir isagoo sidoo kale mar xilka kasoo qabtay madaxtooyada islamarkaana ahaa taliyaha ilaalada, wuxuuna wax kusoo bartay waddanka Suudaan.

Dadka aqoonta u leh Gaashaanle Koofi ayaa ku waramaya inuu yahay nin aad u af-gaaban islamarkaana kasoo bixi kara booska loo dhiibay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu xilkiisa la wareego.

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM