Somalia: ​Turkish Airline oo Muqdishu tagtay

Image

MUQDISHU- Diyaaradda Turkis Airline, ayaa maanta caga dhigatay garoonka diyaaradaha magalada Muqdishu kadib muddo todobaad ah oo aysan tagin, wixii kadambeeyay markii la qarxiyay diyaaradda dulimaadka ee Daalo. 

Safarka ay ku tagtay diyaaraddan magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa lagu magcneeyay inaysan ahayn safaradii caadiga ahaa, balse wadday xamuul ay leeyihiin Turkida joogta caasumadda Somalia. 

Sababaha loo hakiyay duulimaadyada diyaaradaasi, ayaa lagu sheegay inay tahay cimilada magalada Xamar oo xumayd  islamarkaana ka dhacayeen dabaylo, balse dadka qaybtiis ayaa ku fasiray xaalad amni darro, maadama dhawaan la qarxiyay diyaarad waday rakaab oo kusoctay magalada Jabuti, falkaasi oo sheegatay ururka Al-Shabaab.

Balse, arrinta dowladda Somalia, ayaa ka hadashay iyagoo tilmaamay inaysan waxba ka badali doonin duulimaadyadii imaan jiray madaarka Aadan Cadde, waxayna sheegeen in lagu soo kordhiyay habab cusub oo wax loo baarayo, waxaana waxyaabaha baaritaanka ka qayb qaadanaya ku jira Eey. 

Tan iyo wixii kadambeeyay qaraxa diyaaradda Daalo, waxaa madaarka Aadan Cadde kasocday baaritaanno xooggan iyadoo si siman loo baarayay mas'uuliyiinta dowladda iyo shacabka garoonka imaanaya islamarkaana ka dhoofaya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM