Somalia: Ururka Al Shabaab oo laga qabsadey Aadan Yabaal

Image

MUQDISHU-Somalia- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heyntadegmada Aden Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan maanta galay Aadan Yabaal Ayaan la kulmin wax iska caabin ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya. 

Dhinaca kale ciidamo iyana Soomaali iyo Ethiopian ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta ee Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku soo wajahan magaalada Cadalle. 

Qabsashada Degamada Aaden Yabaal ee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku soo beegmeysa maalmo kadib markii ay qabsadeen Degmada Janaale ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo saraakiisha ciidamadas sheegeen iney dileen Lix ka tirsan hoogamiyaasha dagaalka ee Al Shabaab.

Dadka la socda dhaqadhaqaaqyada ciidamada AMISOM oo horey loogu eedeeyey iney ka gaabiyeen howlgalada dagaal ee laga xoreynayo kooxda Al-Shabaab degaanada ay ka haystaan gobolalada Dhexe iyo Koonfurta Somalia ayaa sheegaya iney weeraradaan sababeen kadib markii Wadamada deeqda lacageed siiya [ USA, EU] ay ku hanjabeen iney lacagahaan jarayaan hadii aan guul laga gaarin dagaalada lagula jiro ururkaan xiriirka la leh Al-Qacida.

Culeyka kale ee ku yimid wadamada ciidamada AMISOM ka joogaan wadanka Somalia ayaa sidoo kale lagu macneeyey kadib markii shacabka Puntland iyo dowladooda maalmo kooban gudahood kaga guuleysteen ciidamo xoogan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwasoo kasoo dagey degaano ku yaala xeebaha Badweynta Hindiya.

VOA+GO

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM