Somalia: Wafdi uu hoogaaminayo Odowaa oo Cadaado tagay

Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda waqtigeedu dhammadaay ee dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta tagay magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug.

Socdaalka Odowaa iyo wafdiga lasocda ayaa la sheegay inay salka ku hayso dar-dar galinta howlaha doorashooyinka dhacaya 2016.

Waxaa soo dhaweyn u sameeyay madax katirsan Galmudug iyo qaybo kamid ah bulshada ku dhaqan Cadaado.

Kulamo kala duwan ayay la qaateen bulshada halkaasi ku dhaqan iyagoo kala hadlay arrimo khuseeya doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadkan.

Waxaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxda maamulkaasi.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in doorashada sanadkan dalka ka dhacaysa tahay mid fursad wayn siinaysa shacabka, sidaa daraadeedna loo baahanyahay in ahmiyadeeda lagu baraarugsanaado.

Waxa uu intaa ku daray wasiir Odawaa, in maalmaha soo socda wafdigu joogi doono magaalada Cadaado, islamarkaana kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka si loo dardargaliyo arrimaha doorashooyinka oo dawlada Soomaaliya ay xoogga saarayso inay si hufan u dhacdo.

Socdaalkan ayaa qayb ka ahay safarro is-daba joog ah oo madaxda dowladda waqtigeedu dhammaday ku tagayeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM